Home / Safaaradda

Taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed

Taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed

Soomaaliya taariikhdeedu waxay soo jirtay qarniyaal badan, waxayna ka mid tahay
dalalka ugu faca weyn ee uu ku tiirsanyahay isku socodka gacansiga dunidu. Tani waa qeyb muhiim ah marka loo eego halka a Soomaaliya uga taal xeebaha Bariga Africa oo ay xudduuda la leedahay Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya iyo dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Taariikh ahaan dekadda ugu taajirsan kun sano ka badan waxay ku taal Muqdisho. Dekadaha kale ee muuqda oo la yaqaan waxaa ka mid ah Ksimayo, Berbera, Boosaaso iyo Marka.

Islaamku door weyn oo muhiim ah ayuu ka ciyaaray dhaqanka Soomaaliya ilaa iyo
horraantii qarnigii 7-aad. Arrintan waxaa cadeyn u ah masaajiyadda Soomaaliya ee
qarniyada jira iyo taariikhda Soomaaliya. Waxaa Masaajiddaas ka mid ah masaajidka Zaylac, kaas oo leh laba minaaradood oo kala duwan oo midkoodna ku wajahantahay qibladii hore ee Jerusalam, halka tan dib laga dhisay iyana ku aadan Makka.

Masaajidyada kale oo qadiimi ah ayaa iyaguna ku yaal magaalooyinka Berbera,
Xaafuun iyo ilaa Muqdisho, Marka, Baraawe iyo Kismaayo. Masaajidda ugu caansan
ugana muuqda Soomaaliya waaa ka mid ah, Arbaca Rukun oo ku yaal Muqdisho, lana dhisay qiyaastii 1269, Masaajidka Jimaha ee Marka oo isna la dhisay qiyaastii 1609 iyo masaajidka Fakr ad-diin ee Muqdisho oo dhismihiisu ku aadanyahay 1269, waxayna xaqiiqata masaajiyaddaas ahaayeen kuwa kaliya ee Bartiga Africa oo lahaa Minaarad.

Muddo dheer, Soomaaliya waxaa loo yaqiinay “Dalkii Suugaanta” sababtoo ah jaceylka iyo xirfadda ay Soomaalidu u leeyihiin u fahanka hiddaha iyo gabayada. Caalinkii weynaa ee luuqadda Soomaaliga, Prof. B. Andrezejewski wuxuu suugaanta
Soomaaliyeed ku qeyxay inay yihiin “Kuwa lagu xasuusto suugaantii hore ee Giriigga”.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa caan ku ah dhaqashada geela, taas oo soo jirta ilaa laba
kun oo sanadood. Wuxuu markii dambe dhaqankan geel dhaqashadu gaaray dalka faca weyn ee Masar iyo Woqooyiga Africa. Sawir gacmeedyo iyo farshaxan geel ku
sawiranyahay oo qadiimi ah ayaa ilaa hada laga heli karaa godadka dhagxaanta ah ee Laas-Geel. Ilaa maanta Soomaaliya waxay leedahay tiro ahaan geela ugu badan ee dal kasta oo caalamka ah. Waxyaabaha ugu waaweyn ee Somalia dhoofiso waxaa si lama filaan ah ugu mid ah Geela, iyo sidoo kale xoolaha nool, maqaarka/haragga, kalluunka, dhuxusha iyo mooska. Dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu badanaa ku tiirsanyahay xoolaha nool. Si kastaba ha ahaatee, beeruhu waa qeybta ugu muhiimsan wax soo saarka dalka,, iyadoo caadiyanna xoolaha nool looga xisaabtamo 40% wax soo saarka gudah (GDP) halka dakhliga dhoontana uu yahay 50%. Soomaaliya waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo soo dhoofiyo waxaa ka mid ah sokorta, masagada, galleyda, iyo badeecooyinka la soo warshadeeyay. Maanta, Soomaaliya dadkeedu wuxuu qiyaastii ku dhowyahay 14-milyan, kuwaas oo ku
dhawaad 2-milyan ay yihiin qurbajoog caamalka ku nool. Qiyaas ahaan 10%
qurbajoogta Soomaaliyeed waxay ku noolyihiin Mareykanka.

1609 22 St NW, Washington, DC 20008.
+1-202-853-9164
+1-202-296-0570

Xiriirka laba geesoodka ah

Taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed eeg

Codsi Caawinaad

Gudbi codsi caawimaad ah, haddii ay dhacdo xaalad deg-deg ah oo aad la kulanto intaad safarka ku jirto.

Diiwaan Gelinta Safarka 

Soo gudbi faahfaahinta safarkaaga ka hor intaadan safrin si ay noogu suurtogasho inaan kula soo xiriirno haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah ee waddanka aad u safreyso.