Home / Safaaradda

Nagu saabsan

Nagu saabsan

Howsha safaradda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee Washington, DC waa kor u qaadista danaha Soomaaliya ee Mareykankan dhexdiisa. Si la mid ah wuxuu boggan hiigsanayaa inuu soo bandhigo macluumaad ku saabsan Soomaaliya, lagana helo macluumaadkii ay bixin laheyd qunsuliyaddu.

Waa yoolka safaaradda in laga helo talo-bixin heer sare ah iyo adeegyo kale oo la xiriira Soomaalida joogta mareykanka iyo sidoo kale ajaanibta doonaya inay soo booqdaan Soomaaliya ama dan ka leh dalka. Adeegyadan waxaa ka mid ah baasahoorka iyo fiisaha, caawinaada muwaadinka iyo adeegyo kale. Waxaa intaas dheer, safaaraddu waxay qaaban-qaabisaa munaasabado lagu dhiirro galinaayo dahana ganacsi iyo professional interts Soomaaliya, kuwaas oo labaduba ka mid ah hiigsiga safaaradda.

Safaaradda 

Soomaaliya waxay heshay xorriyadeeda, ayna billowday dhismaha dowladeeda cusub bishii July 1-deeda, 1960, Mareykakuna wuxuu ka mid ahaa dakalkii ugu horeeyay ee Somalia u aqoonsaday inay tahay dal madax bannaan.

Soomaaliya waxay Mareykanka ka furatay safaaraddii ugu horeysay bishii July 1960, waxaana horkcayay Danjire Dr. Cumar Mohallim Maxamed oo 13-kii July 1960 waraaqaha aqoonsiga safiirnimo guddoonsiiyay madaxweyne John F. Kenndy,
waxayna Soomaaliya sii waday xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la laheyd Mareykanka ilaa bur-burkii dowladdii Soomaaliya ee bishii January 1991. Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 20 sanadood oo dowlad la’aan aheyd waxay dadka Soomaaliyeed billaabeen dib u dhiska howsheedam, taas oo laga billaabay qaabeynta Jamhuuriyad Federal ah.

Mar kale ayayna Mareykanku aqoonsadeen dowladda Soomaaliya sanadkii 2013,
safaaradana dib looga furay Washington, D.C bishii November 18-keedii 2015.

1609 22 St NW, Washington, DC 20008.
+1-202-853-9164
+1-202-296-0570

Xiriirka laba geesoodka ah

Taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed eeg

Codsi Caawinaad

Gudbi codsi caawimaad ah, haddii ay dhacdo xaalad deg-deg ah oo aad la kulanto intaad safarka ku jirto.

Diiwaan Gelinta Safarka 

Soo gudbi faahfaahinta safarkaaga ka hor intaadan safrin si ay noogu suurtogasho inaan kula soo xiriirno haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah ee waddanka aad u safreyso.