Waxay ii tahay farxad weyn in aan la wadaago walaalaheyga Soomaaliyeed iyo saxiibada dhow ee Soomaaliya, in Safaaraddii Soomaaliyeed ee magaalada Washington ee dalka Maraykanka dib loo furi doona, ka gadaal muddo 25 sano markay xidhneyd. Furitaanka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanku waxay ka tarjumaysaa horumarka iyo dadaaladda balaadhan ee loogu jiro sidii Soomaaliya ay kaalin mug leh uga qaadan lahayd islamarkaana xidhiidh wacan ula yeelan lahayd bahweynta Caalamka. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanku waxa ay aad uga shaqayn doontaa sidii ay adeeg wacan ugu fidin lahayd dadweynaha Soomaaliyeed, islamarkaana loo xoojin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga wax wada qabsi ee Soomaaliya iyo Maraykanka, Bariga Afrika iyo guud ahaan Caalamka.

Danjire Axmed I. Awad Safaaradda Soomaaliya