Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare xigeenka DFS Md. Maxamed Cumar Carte oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa kulamo la yeeshay madax ka tirsan dawladda Maraykanka, Bangiga Adduunka, US AID iyo hay’addo kale oo caalamiya. Dhinaca dawladda Maraykanka, Md. Maxamed Cumar waxa uu la kulmay madax iyo mudanayaa ka tirsan Baaralamaanka, Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Difaaca.